Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Madaxweyne Farmaajo oo safar aan horay loo sii shaacin maanta ku tegay magaalada Adis-ababa

0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa safar aan horay loo shaacin maanta ku gaaray magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya iyada oo wefdiga madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay halkaas.

Ra’iisul-Wasaaraha dalka Iyoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada adis soo dhaweyn heer sare ah ugu sameeyay  wefdiga uu hogaaminayay madaxweyanaha dalka.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Itoobiya uga qeyb gelaya shir madaxeeda urur gobaleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmaya dalkaas isla markaana ay ka qeyb geli doonaan madax kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ka hadleysa xaaladda Soomaaliya ka jeedi doona shirkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply