Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Madaxweynaha Puntland & Wafdi uu hoggaaminaayo oo u duulay magaalada Kismaayo

0

Diyarad sida Wafdui uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den ayaa goordhow u duulay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga oo Xubno kala duwan isugu jira ayaa shalay la filayay inay tagaan Magalada Kismaayo,iyaga oo kasoo ambabaxay Magalada Boosaaso,hayeeshee waqtiga uu ciriiri ku noqday sidaasina ay ugu hakadeen Magalada Garoowe.

Madaxweyne Deni iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay ka  qeyb-geli doonaan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdi kala duwan ayaa ku sii qul qulaya magaalada Kismaayo halkaasi oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe halkaasi u tageysa, iyada oo aad loo adkeeyey Amniga Guud ee Magalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply