Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahino ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Albaraka.

Sida dad goob joogayaal ah inoo sheegeen Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday qofkii gaariga watay ee loogu xiray.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu xiray gaariga isla markaana loogu xiray nin ganacsada ahaa qaraxana uu qabsaday xili uu marayay nawaaxiga Isgoyska Albaraka.

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Neero ayaa ku geeriyooday qaraxaas loogu xiray gaarigiisa iyada oo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliiska oo aan ka ag fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.

Allaha u Naxariistee ganacsade C/llaahi Neero waxa uu ka ganacsan jiray Qudaarta sida ku soo degta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen eheladiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply