DHAGEYSO: Xal Laga Gaaray Khilaafkii Soo Kala Dhex Galay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle

0

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo la hadlay Iadacada dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii soo kala dhexgalay guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaano is xilqaamay ay u tageen guddoonka isla markaana ay ka dalbadeen wadahal ay galaan sidaas darteena ay yeesheen kulan qaatay saacado badan.

Kulankaas ayuu sheegay in lagu heshiisiiya hase’ahaate waxa uu tilmaamay in weli uu walaac ka taaganyahay kulamada baarlamaanka waqtiga ay furmayaan oo aan la shaacin maadaana la soo dhaafay waqtigiisii.

You might also like More from author

Leave A Reply