Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DHAGEYSO: DF oo ku fashilantay iney heshiis loo dhan yahay ay la gasho Ahlu suna

0

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey Jaahwareer ka taagan Magaalada Dhuusa-mareeb kaasi oo ku saleysan Arimaha Doorashooyinka iyo Geedi Socodka Dhismaha Maamulka Galmudug.

Dowladda ayaa la sheegay inay markale baalmartay Heshiisyadii ay lagashay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaha Ahalusunna Macalin Maxamuud, kuwaasi oo fulintooda ay Dowladdu u aragtay inay hor istaagayaan danaheed gaarka ah ee Doorashooyinka Galmudug.

Pro-Xasan Sheikh Cali Nuur ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka guuldaro weyn kala kulantay arimaha Galmudug iyo inay heshiis mid ah la gasho Xaaf iyo Maamulka Ahalusunna ee Dhuusa-mareeb.

Hoggaanka Ahlu suna oo shir gaar ah ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ka soo horjeestay dhaq dhaqaaqyada Dowladda ay ka sameyneyso deegaanada Galmudug.

Xaalad Cakirnaan ayaa ka taagan dhismaha maamulka Galmudug,iyadoo qaar ka mid ah Beelaha wax dhisanaya ay wax badan oo cilad ah tirsanayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply