DEG DEG: Ciidanka AMISOM oo Qarax Xooggan lagula eegtay Muqdisho & rasaas ka dambeysay

0

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Qarax Xooggan uu ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Qaraxa ayaa ka dhacay xafadda Ceymiska ee degmada Yaaqiish waxaana uu ahaa mid miino oo lala eegtay Kolonyyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo halkaas marayay waxaana ka soo baxaya faah faahino kala duwan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Ciidamada AMISOM ayaa dadka deegaanku waxa ay sheegeen in ay rideen rasaas kadib markii qaraxa lala beegsaday waxaana ay ku kala ceyrinayeen dadka ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah gaariidka ay wateen ciidamada AMISOM isla markaana ay wadada xireen,iyada oo ilaa iyo haatan ay goobtii ku suganyihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply