SAWIRRO: Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Xarumo ku yaalla Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo gadoodsan ay xirteen wadooyin ku yaalla Magaaladaas.

Ciidamada ayaa wararka aan heleyno ay sheegayaan inay ka cabanayaan mushaar la’aan,isla markaana mudo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah,taasina ay keentay inay Maanta gadoodaan.,

Ciidamada gadoodsan ayaa xirtay Wadada hormarto isbitaalka Baladweyne & tan kasoo baxada garoon diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada Baladweyne.

Ciidamada wadooyinka qaar waxaa ay ku xireen dhagxaan iyo Geedo si gaadiidka uusan u marin,waxaana lagu soo waramayaa inay taasi sababtay in uu hakad galo Gaadiidka qaar ee Magalada Baladweyne.

 

1 29
1 29
2 30
2 30
3 27
3 27
4 12
4 12

You might also like More from author

Leave A Reply