Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Madaxweynaha Puntland Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

0

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Safarka Madaxweyne Deni ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada,waxaana la filayaa in saacadaha soo socoda halkaas ay gaaran.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland Saciid Den ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa xalay iska diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe oo dhawaan lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer dib u dhacday ka dib markii ay dhammeystimi waayeen wafuuda ka qeyb galeysa.

Dowladda Soomaaliyaa ayaa ka soo horjeeda iney dhacdo xafladaasi,maadaama aysan aqoonsaneyn doorashooyinkiii ka dhacday magaalada Kismaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply