Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Madaxweynaha Puntland oo goordhow u duulay magalaada Kismaayo

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi  uu hoggaaminayo ayaa goordhow u duulay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Deni iyo Wafdiga la socday ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,iyagoona kusii jeeda Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisa ku wehliya qaar kamid ah Senatarada Baarlamaanka Faderaalka, gaar ahaana Cabdiraxmaan Faroole oo ay diyaaradda ka qaaday magaalada Garoowe.

Siciid Deni ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka diiday in uu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland,kadib markii uu kulan la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiinta la socda ayaa Magaalada Kismaayo uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka dhaceysa.

You might also like More from author

Leave A Reply