Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Maanta Maxkamad La Horgeeyay

0

Eedeysane Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo BeledXaawo oo loo wada heysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) ayaa Bishii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayey magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Booliska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystireyso Waaxda dambi baarista ee C.I.D-da.

soo qabashada Wasiir C/rashiid ayaa soo dedejisay ka dib khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, C/rashiid Xasan Cabdinuur (Jannan) ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Dowladda Dhexe ee dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply