Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DHAGEYSO:- Dooni & Shaqaalihii saarnaa oo lagu la’yahay Xeebaha Puntland

0

Maamulka puntland ayaa baadi goob waxaa uu ugu jiraa Dooni Kalluumeysi iyo Shaqaalihii saarnaa oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib,kuwaas oo lagu la’yahay mudo ku dhow todobaad Xeebaha Gobolka Bari ee Maamulkaasi puntland.

Doontaan ayaa ka baxday Xeebahaa Magaalada Bareda,isla markaana ay saarnaayeen 7 Ruux oo Shan kamid ah ay ahaayeen Soomaali halka Saddexda kale laba kamid ah ay u dhasheen dalka Kenya iyo Nin u dhashay mid kamid ah dalalka Carbeed.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland  Faarax Maxamuud Cawaash ayaa sheegay in doontaas uu leeyahay Ganacsade Reer Puntland ka baxday Xeebaha Gobolka Bari ay kusii jeeday Dekadda Magalada Mukalla ee dalka yemen,hayeeshee la la’yahay Doontii iyo Shaqaalihii saarnaa tan iuyo 30-kii Bishii Setember ee Sanadkaan 2019.

Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda la la’yahay waxa ku dhacay iyo halka ay aday,hayeeshee ay la xiriireen Ciidamada howlgalka Midowga yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya,balse aan weli wax jawaab ah ka helin.

You might also like More from author

Leave A Reply