Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Akhriso: Hirshabelle oo isbeddel ku sameysay Maamulka Hiiraan iyo kan Beledweyne

0

Wasiirka Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa isbeddel ku sameeyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo midka Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Hirshabelle masuuliyiinta uu xilalka ka qaaday waxaa ka mid Guddomiyaha Degmada Beledweyne Maxamed Axmed Foodcadde waxaana lagu bedalay Mudane Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.

Sidoo kale Guddomiye kuxigeenka Amniga Maamulka Gobalka Hiiraan Qaalid Bashiir Macalin ayuu wasiirka xilka ka qaaday waxaana lagu bedalay Cali Diiriye Cismaan.

Guddomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan C/qaadir Maxamed Arwaax oo horay ugu dhawaaqay in uu is casilay ayaa booskiisa loo magacaabay Shiiq Xuseen Cismaan Cali oo xilkaa horay usoo qabtay.

Ugu dambeyn Wasiir Caadle ayaa Maamul cusub u magacaabay Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan,Guddomiyaha Degmada Maxaas ayuu u magacaabay Cabdi Muumin Cilmi (Xiish),waxaana Guddomiye ku xigeen Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas isne loo magacaabay Cabdullahi Shuuriye Cawaale.

71216685 2397330147251448 1411770971559297024 N
71216685 2397330147251448 1411770971559297024 N

You might also like More from author

Leave A Reply