Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Lafta-gareen,Waare & Cumar Filish?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna.

Dhammaan Madaxda Qaranka ee xalay kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guud ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

70709152 2457019661049164 6047922442259660800 O
70709152 2457019661049164 6047922442259660800 O
70794198 2457020227715774 2757043557180112896 O
70794198 2457020227715774 2757043557180112896 O
70861792 2457019831049147 1051458631725219840 O
70861792 2457019831049147 1051458631725219840 O
70923869 2457020214382442 3223309437376659456 O
70923869 2457020214382442 3223309437376659456 O
71181918 2457026584381805 5319234966515613696 O (1)
71181918 2457026584381805 5319234966515613696 O (1)
71181918 2457026584381805 5319234966515613696 O
71181918 2457026584381805 5319234966515613696 O

You might also like More from author

Leave A Reply