Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Mahad Salaad oo su’aal adag ka keenay saxiixa sharciga la dagaalanka Musuq Maasuqa.

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa su’aalo ka keenay sharcigii uu maanta saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Munaasabad maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayuu Madaxweynaha Somaliya ku saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook kaga hadlay sharciga uu xilligan qalinka ku duugay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa sidatan:-

Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo 10 bilood ayuu barkanaa maxaa soo kordhay oo saxiixiisa maanta kusoo beegay?

Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo.

Muddo 10 bilood ah ayaa Madaxweyne Farmaajo barkanaa sharcigaan, kumana soo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo mana saxiixin. Haddaba waxaa iswaydiin mudan:

1- Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta ku soo beegay?
2- Guddigaan malagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo?
3- Madaxweynaha oo mudo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa?.

You might also like More from author

Leave A Reply