Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Farmaajo oo saxiixay sharci 1 sano ag yaallay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la isticmaalo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

”Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin, ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano, saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka waxaana aad loo wada bogaadiyay in sharcigaan la helo.

Farmaajo 1
Farmaajo 1

You might also like More from author

Leave A Reply