Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DF oo war culus ka soo saartay dagaal ka dhacay gobolka Bakool

0

Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay soo dhaweysay dagaalka dadka deegaanka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay Gobolka Bakool.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federalka  Soomaaliya, ayaa lagu lagu soo dhaweeyay kacdoonka shacabka Gobolka Bakool ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay dagaalka shacabka & Shabaab u dhaxeeya inuu horay uga socday deegaano kala duwan oo Gobolada dalka ka tirsan iminkana uu ka socdo Gobolka Bakool.

.”Kacdoonka  shacabka ee looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka kooxda Al-Shabaab ee maafiyada ah,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa laggu yiri waraxaafadeedka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply