Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Qarax xoogan oo Muqdisho ka dhacay

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax jugtiisa caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama.

Qaraxaan ayaa wuxuu ahaay miino la dhigay wadada dhinaceeda gaar ahaan irida hore ee Maqaayada Al Caasimah oo galabta xariga laga jaray, waxaana hor yaalay gaadiid kala duwan.

Inta la ogyahay qaraxaasi waxaa ku dhintay Saddex ruux oo laba ka mid yihiin Askar ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaasi oo ilaalo u ahaay Xildhibaan Carabow oo meesha maraayay.

Ruuxa kale ayaa waxaa la sheegay inuu ahaay wade Mooto Bajaajle oo goobta taagnaa, sidoo kale waxaa jira Khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Dadka ugu badan ee Khasaaraha dhaawaca soo gaaray ayaa waxa ay ahaayeen Mooto Bajaajlayaal goobtaasi taagnaa.

You might also like More from author

Leave A Reply