FALLO KOOBAN GACAL IYO GAYAAN W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

0

FALLO KOOBAN GACAL IYO GAYAAN

 

GACAL IYO GAYAAN

Faah-faahinta magaca dhiganaha ku dheeraan-maayo, balse, marka aan is dultaago, magaca Gacal iyo Gayaan, wuxuu iska saaran-yahay labada arrin oo saldhigga u ah wadaagga nololeed ee lammaane ay ku dhagax dhigaan dhisme iyo yagleel reereed.

GACAL

Gacal waa qof aad jeceshahay oo kaaga dhaw dadka kale dhammaantiis.

GAYAAN

Gayaanna waa labada cayn ee dadka, labka iyo dhediga xarigga isu banneeya diin ahaan iyo dhaqan ahaanba.

HIDDAHA IYO DHAQANKA

Sheekada GACAL IYO GAYAAN, waa sheeko leh bar billaaw (meel ay ka billaabato) iyo bar dhammaad (meel ay ku dhammaato). Waa sheeko si’ qoto-dheer uga faallooneysa dhaqanka iyo hiddaha bulshada soomaaliyeed. Dhaqanka iyo hidduhu waa sowrac iyo muuq lagu garto bulsho. Bulshadaas oo dhaqan iyo hidde iyaga u gaar ah leh. Dhaqankaas oo ah soo jireen ab ka ab la soo kala dhaxlo, jiil walbana jiilka xiga usii dusiyo. (Qora isu dhiib). Dhiganahan ayaa ah mid aan ugu talo galay in aan dib ugu bacleelo habdhaqankii nololeed ee bulshadeenna soomaaliyeed ee reer guuraaga ahayd qarniyo fog.

  • 1. Haddii ay-tahay xoola dhaqasho.
  • 2. Haddii ay-tahay beerasho.
  • 3. Haddii ay-tahay marti soor.
  • 4. Haddii ay-tahay dagaal iyo colaad.
  • 5. Haddii ay-tahay nabad iyo heshiis.
  • 6. Haddii ay-tahay xeer iyo xaajo.

Bulsho marka la doonayo in la ogaado alabkeedii (dabeecaddoodii hore), waa in la helaa qaab nololeedkoodi oo dhammeystiran. Haddaba dhiganahaan GACAL IYO GAYAAN ayaan ku iftiiminayaa, sidii ay u dhaqnaayeen dadkeennu qarniyo ka hor iyo qaabkii ay u noolaayeen. Kama fiirinayo/eegayo dhanka wanaagsan oo kaliya ee dhanka xunna waxaan farta ku fiiqaya dhaqamadii iyo alabyadii aan wanaagsanayn ee bulshadeennu lahayd teer iyo haddana qaarkood sii jiraan una baahan in la gooyo oo la dabar-jaro. Sheekada dhexdeeda, waxaan ku bidhaaminayaa dhaqanna wanaagsan oo laga tegay una baahan in dib loo soo nooleeyo. (DHIMAAL DHAQAN).

Tusaale kooban:

Labada haldoor ee sheekada daadihinaya, waa Dhaashane iyo Dheeho waxa ay ku kulmayaan iskuna baranayaan waddo haloosi ah iyaga oo socdaal ah midkoodna uusan kan kale garanayn, waxa ayna isla marayaan jiidaal dheer oo dhib iyo qaxar badanba leh, intaasna haasaawe iyo sheeko-gobeed warkoodu dhaafi maayo. Marna ma dhacayso in labadooduba ay xera-taraaraan oo ay xeyn-daabka diineed iyo midka dhaqan ba ay meel inta iska dhigaan ka gudbaan, ka dibna, habaarqabe ibliis uu xumo u hillaaciyo.

Wiilku kuma talamin jeerna inuu gabadha cidlada joogta makalaheeda isa saaro oo uu awood iyo xoog u sheegto, sida maalin walba dalkeenna ka dhaceysa ama laga soo sheego?. Haldoorka sheekada daadihinaya DAASHANE, waxa dhaqanka iyo dadnimadu u diidaysaa inuu haweenay ka mudan dhowritaan iyo ilaalo oo uu col iyo nacabba ka jiro isagu hunguryeeyo. Gabadhuna kalsoonida ay nafteeda iyo dadka deegaanka ku nool ku qabto darteed ayey kaligeed jiidaal dheer oo toban caano maal ka badan loo soconayo usoo hilhilatay, habardugaag iyo uum hoose maahine kama baqeyso habacsane iyo hoorri xun oo nafteeda waxyeelleeya. Bulshadeennu sidaas ayey dhaqanka ugu adkayd, magac xumada iyo milgo beelkana ay geerida ka xigtey ama kala xummeyd. Ragguna waxa ay ahaayeen kuwo mid yar iyo mid weynba dhawrta magaca ay huwan yihiin ha ahaado mid qofeed, mid qoys iyo mid reereed inta-ba.

Dhacdooyinkaas iyo arrimhaaas ka sakoow, waxa aan buugga ugu talo galay laba arrimood oo aad agteyda ugu weyn labadaas arrin oo ah: Afka iyo Dhaqanka. Waxaan buuggan ku soo bandhigaya agab iyo oollimaad wixii ay bulshadeennu lehayd iyo magacyadooda oo ay waa hore ugu dambeysay, qaarkoodna aysanba maqal, waxaan sidoo kale ku dedaalay inaan qoro dhigane 98% ka madax bannaan afaf kale, anigoo isku dayey inaan adeegsado keliya afkeenna hooyo kuna soo bandhigo mid barax tiran?. Qoranahaan ayaa ah mid si weyn wax ugu taraya qofka raba inuu ogaado qaabkii ay u noolaayeen una dhaqmayeen bulshadii soomaaliyeed ee reer guuraaga ahayd sida arrimaha:

  • 1. Haasawaaha.
  • 2. Guurka.
  • 3. Garta.
  • 4. Martisoorka.
  • 5. Dagaalka.
  • 6. Nabbada.
  • 7. Heshiiska.
  • 8. Dhaqashada xoolaha.
  • 9. Beerashada.
  • Iyo dhammaan hawlaha nolosha miyiga ku qowfalan.

Sheekadu waxa ay ka tilmaam bixineysaa asluubta, dhowrsanaanta, axdiga, kalgaceylka, ilaalinta dhaqanka iyo u dhabar adeygga waayaha dunida oo intaba ay sheekadu u qaabeysay hab aad ka baraneyso dhaqanka iyo hiddaha suubban ee soomaaliyeed!.

SUUGAAN

Dhiganahaan GACAL IYO GAYAAN wuxuu la ciir-ciirayaa suugaan nuuc walba leh, kuna asteysan sheekada iyo qarniyada ay ka hadleyso. Sidaa darteed, GACAL IYO GAYAAN waa sheeko-faneed haddii loo baahdo sheeko masraxeed loo beddeli karo. (Riwaayad). Waa sheeko-suugaaneed, si’ maldahan ay lammaanuhu suugaan ay isku su’aalayaan haddana ay isugu jawaabayaan. Gacal iyo Gayaan waxa dhex-yaalla, gabayo, guurow, shirib iyo geereerro. Waxaa kale oo uu dhiganahu la buuxdhaafay maahmaahyo, masalooyin iyo oraahyo qurxinaya habka dhigaalka buugga, isla markaana gudbinaya farriimo culus oo bulshada wax-tar iyo aayo u leh.

Dhaashane ayaa leh:

  • Gabaryahey dhabeel baad tihiyo, Dumarka dhuuxoode
  • Waxaad tahay dhalootiga haween, Iyo ma dhaafaane
  • Dhaqaaqiyo tallaabada markaad, Dhab ugu laafyooto
  • Mid dhaqaale geel laga baxshiyo, Dhoobirow qoriga
  • Gammaan dhababaceeyiyo middii, Xoola laga dhiibo
  • Dherer iyo hubqaad dheeh leh iyo, Dhaban cuddoonaanta
  • Dhaqan iyo hannaan bilic leh iyo, Dhugasho muuqaaga
  • Nin ku dheehday baa garanayoo, Dhab uga faalloon e
  • Dhaxdintaada wiilkii helaa, Dhaliyey guul weyne
  • Dhismaha aqal galkaan hammiyey, Dhooley gacalkaa e
  • Calaf inuu dhaafshaase daran, Dheehoy quruxdaada!

Maadaama ay suugaan ku kaftamayaan, Dheeho ayaa dhankeeda uga jawaabeyaa, iyada oo waliba xifaaleynaysa oo leh:

  • Adduuniyo nimmaan haysan agab, Eyrana u foofin
  • Oon Eriya meesiga lo’duba, Iran u daaqaynin
  • Orkunow iftiinayn haddana, Uus ku jire-huu eg
  • Ebedkey igaar aan is hubin, Iihi ma iraahe
  • Is galaal rag waa lagu ogaa, Erayga faan uune!.

ERAY-BIXIN

Sida aan hore usoo xusay, Gacal iyo Gayaan waxa uu ku qoranyahay (Af-Soomaali asal ah) oo dheellitiran una qaabeysan hab kugu dhalinaya xiiso iyo hammuun aad kusii dhex socdaaleyso sheekada. Waxaan erayada afkeenna ka soo xulay: (260 eray) oo aan u sameeyey eray bixin. Haddaba Dhiganaha Gacal iyo Gayaan waa keyd iyo dhigaal kusoo kordhay afkeenna hooyo. Sidoo kale waa hadiyad tisqaadday hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ee soo jireenka ah.

SHEEKA QORIS

Sheeka qoristu waxay wax-badan la wadaagtaa bulsho dhisidda, bulsha dhisidduna, waa dowlad dhisid, maxaa yeelay, waxay leedahay gole-yaal kala sarreeya, sida: Gole shacab, gole fulineed, gole garsoor IWM. Sheeka tebiyaha ayaa laga rabaa inuu kala maareeyo awoodahaas kala madaxa bannaan, haddana isku sidkan. Sidaa darteed, sheeka qoristu ama curintu waa in bulshada loo jiheeyo aqris iyo ogaal, si’ ay u noqoto bulsho asaaggeed kula tartanta nolosha kala muuq-duwan ee ka jira carra edeg (Adduunka). Ummad waliba inta uu aqriskeedu la egyahay ayaa aqoonteeduna la egtahay. Mahmaah soomaaliyeed ayaa tiraahda: “Irmaan intuu cuno ayuu dhiiqaa” (macnaha dhalaa). Hooyo baahan oo korkeeda iyo kasheedu ay ooman yihiin, canug ay dhashay ma nuujin karaysaa? Maya! Xaashaaye! Haddaba “Inta maanku gaajeysan-yahay guuli waa weli”. Qof walba inta uu aqriyo ayuu ogaalkeeda leeyahay ee ballanteennu waa aqris iyo qorid. Labadana Ilaah-baa ku sheegay Qur’aanka kariimka ah.

1. NUUN WAL QALAMI.
2. IQRA BISMI RABBIKA ALLADII.
3. IQRA KITAABAKA

GUNAANAD

  • Bulsho dhisid qofkuu babac dhigee, Xoogga badi saaray
  • Ee buuqya caay loola tegay, Beegsi iyo maadsi
  • Asiguna an bayrinee habkii, Banaha guushiisa
  • U bandhigay dadkiisii kolkaas, Libin ku baashaaley
  • In bud-dhigidda buugaagtu tahay, Sheeka lagu baano
  • Ninki hadalka beeqaamiyee, Eray baxnaanshaa og.

#GACALIYOGAYAAN2019

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

68821923 1396302720524478 4258244728618745856 N

 

You might also like More from author

Leave A Reply