Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

Banaanbax loogu soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Cadaado.

0

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxa ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar ka mid ah Shacabka kala duwan ee ku nool Magaalada.

Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa waxaa ay dalabdanayeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu fuliyo balantii uu horay ula galay ee aheyd in Magaalada Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Qaar ka mid ah Odayaasha & Waxgaradka Magalada Cadaado  oo meel fagaaro ah ku hadlayay banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay sheegeen inay xoojinayaan hadalkii shalay ee Odayaasha Cadaado,kaas oo ahaa hadii aan Xarunta Baarlamaanka Galmudug laga dhigin  Cadaado aysan qeyb ka aheyn dhismaha Galmudug.

Waxaa ay sidoo kale hadalkooda intaasi ku dareen in marnaba ay lagama maarmaan tahay in Dowladda Soomaaliya ay fuliso balanqaadkii,isla markaana maqaamka Cadaado ay meel saarto,sidoo kalena hadii Xarunta Baarlamaanka Galmudug aysan noqon Cadaado aysan Dhuusamareeb u aqoonsaneyn Xarunta Maamulka Galmudug.

 

You might also like More from author

Leave A Reply