Madaxweynaha Hirshabeelle oo Baladweyne kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan kaga dhawaaqay guluf ballaaran, oo lagu furayo wadooyinka xiran.

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa kala xiray Magaalooyinka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, ka dib markii ay go’doomiyeen wadooyinka soo gala inta badan magaalooyinkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay bilaabayan guluf ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab, kuwaa oo sida uu sheegay looga saarayo deegaanada ay ka jooggan Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsaha badan ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugu furi doonaan wadooyinka xiran.

Madaxweynaha oo ka qaybgalay munaasabad qado sharaf ahayd oo loogu sameeyay Xerada Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Baledweyne ayuu kaga dhawaaqay guluf lagu qaadayo Ururka Al Shabaab.

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa soo hadalqaaday Somaliya oo nabad ah, ay tahay Geeska Afrika oo xasiloon, Somaliya oo xasilooni darro ka jirtana, ay lamid tahay gobolka oo aan amni ahayn.

Madaxweyne Waare ayaa ugu dambeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Hirshabelle kaga mahadceliyay garab-siintooda shacabka reer Hirshabelle.

Munaasabadda qado sharafta ee Madaxweyne Waare loo sameeyay ayaa waxaa goobjoob ka ahaa Labada Gole ee Hirshabelle iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood.

HOOS KA FIIRSO SAWIRADA:

Baledweyne
Baledweyne
Baledweyne1
Baledweyne1
Baledweyne2
Baledweyne2
Baledweyne3
Baledweyne3
Baledweyne4
Baledweyne4

 

You might also like More from author

Leave A Reply