Somalia oo laga hirgelinayo nidaamka Cadaalada

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda  Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay Warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo nidaamka hirgelinta Cadaaladda dalka.

Wasiirka ayaasheegay in latashiyo kala duwan kala sameeyeen Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Qeybaha kala duwan ee Ururadda Bulshada Rayidka ah.

Waxa uu xusay in Nidaamka Cadaaladda la doonayo in uu lajaan qaado Nidaamyadda Cadaaladda ee dunida ka jira lehna awoodihii lagu fulin lahaa.

“Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay Hanaanka Cadaaladda, Asluubta iyo Siyaasad weyn oo Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Federaalka ayaa Nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen,Hanaankaas oo lahorgeeyey Golaha Wasiiradda oo ay ansixiyeen”. ayuu yiri wasiirka.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply