Ra’isal Wasaaraha oo ku wajahan Xudur iyo qaban qaabo xoog leh oo socota

0

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool waxa ka soconayo qaban qaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’isal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka soo amba baxay magaalada Baydhabo oo ay maalmahaan ku sugnaayeen.

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale Wadooyinka degamadaasi la suray booray lagu dhejiyay Sawirka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dadweyne kala duwan oo ka kala yimid Xaafadaha degmada xudur ayaa lagu arkayaa wadooyinka degmadaas, iyaga oo wata Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed, iyaga oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha.

HOOS KA FIIRSO SAWIRADA:

1 47
1 47
2 46
2 46
3 45
3 45

You might also like More from author

Leave A Reply