Maamulka Jamacadda Hiiraan oo ka horyimid hadalkii Madaxweyne Waare

0

Dhawaan waxaa Magalada Baladweyne siwadajir ah uga sheegay in Jaamacadda Magaladaas ay la wareegtay dowladda Soomaaliya,isla markaana ay noqoneyso farac ka mid ah Jaamacadda Ummadda Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle,hayeeshee waxaa warkaasi kasoo horjeestay Maamulka Jaamacadda Gobolka Hiiraan.

Maamulaha Jaamacadda Hiiraan Axmed Maxamuud Nuur (Qoslaaye) ayaa sheegay in warkaas aan waxba ka jirin,isla markaana Madaxweyne Waare uu bixin karo wax ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo Maamulka Hir-Shabeelle,balse uusan bixin Karin Jaamacadda Hiiraan.

Waxa uu sheegay in Jaamacadda Hiiraan aysan aheyn mid Shaqsi uu leeyahay balse lagu dhisay lacago laga soo aruuriyay hooyooyinka Khudaarta iyo galeyda ku Iibiya Gobolka Hiiraan,isla markaana wararka kasoo yeeray Madaxweyne Waare & Wasiirka Waxbarashada aysan aheyn mid Maamulka Jaamacadda ay kala tashadeen.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Wasiirka Waxbarashada uu hadalkaas ka ahaa mid siyaasadeysan oo ay ku doonayaan inay isku soo sharaxaan markii la gaaro sanadka 2021, isaga oo baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply