Dhalinyaradii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho

0

Ciidamada Amaanka ee gobolka banaadir ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Hawlgalka ayaa waxaa laga sameeyay nawaaxiga Xaafadda Warshadaha ee Degmada Hawlwadaag, halkaasi oo Ciidamada ay isugu keeneen dhalinyaro badan.

Intii hawlgalka uu socday ayaa goobtaasi waxaa tagay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ku kormeereen Ciidamada Hawlgalka waday.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay qabteen shaqsiyaad ay tuhmayaan Ciidamada Booliska Somaliya kuwaasi oo baaris ay ku socoto.

Saldhiga Degmada Hawlwadaag ayaa la geeyay dhalinyaradii Ciidamada Booliska ay qabteen, waxaana wararka ay sheegayaan in qaarkood xalay Saldhiga ay ku baryeen.

 

You might also like More from author

Leave A Reply