Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 310

SAWIRRO: Senator Muuse Suudi oo balan qaad muhiim ah u sameeyay Qoyskii uu ka geeriyooday Eng: Yariisow

0

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.

Senatar Muuse Suudi ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geeridii ku timid Duqii Muqdisho Eng Yariisow uu ku tilmaamay nin qaran oo wax badan usoo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qoyskii uu ka geeriyooday Gudomiyihii gobolka Banaadir ayaa waayadan ku sugan magaalada Muqdisho ay u yimaadeen duugta iyo tacsida Eng Yariisow, waxa ayna qoyskan ka yimaadeen dalka Ingiriiska oo ay kunoolaayeen.

Madax kala duwan ayaa la kulmay Qoyska uu ka baxay Eng Yariisow kuwaa oo uga tacsiyadeeyay geeridii naxtinta laheyd ee ku timid Duqii Muqdisho oo ahaa halyey aad loo jeclaa wax badana dalka usoo qabtay.

Muse 1
Muse 1
Muse 2
Muse 2
Muse 3
Muse 3

You might also like More from author

Leave A Reply