Kooxo hubeysan oo askar ku dilay magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya ku dilay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Dilkan loo geystay Askariga ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado,waxaana falka uu dhacay xili uu Askariga ku sugnaa halkaas.

Ragii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana durbo goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo xiligaas ku sugnaa meel aan sidaa u fogen,iyagoo halkaas ka qaday Meydka Marxuumka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar qaar ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo ay geystaan ragga hubeysan Bastooladaha.