Kenya oo walaac ka muujisay dalabyada isdaba jooga ah ee B/caalamka u gudbinayo Guddiga doorashada J/land

Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay dalabyada faraha badan iyo shuruudaha Beesha Caalamka ku soo rogeen hannaanka doorashada Jubbaland, iyadoo Guddiga Doorashada Jubbaland uu aqbalay dalabyo ka yimid Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa dib u furida waqtigii is diiwaan gelinta Musharaxiinta, in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha iyo in howsha agaasinka Doorashada lagu wareejiyay Baarlamaanka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu Guddiga ku soo rogayo shuruudo in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, sidoo kale waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay.

 Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney muhiim tahay in la helo damaanad qaad horseeda xasilooni siyaasadeed oo ka hana qaada Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Kenya ayaa ku baaqday in la sii laba jibaaro dagaalka ka dhanka ah Kooxda,islamarkaana la abuurin jawi siyaasadeed oo farxad gelin kara Al-Shabaab.

Kenya ayaa lagu eedeeyay iney faragelineysa doorashada Jubbaland,iyadoo dooneyso inuu soo baxo musharax iyadu taageero u ah,islamarkaana danaheeda gaarka ah ee ay ka leedahay Soomaaliya fulinaayo.

69268856 2343626942359490 5860562426776256512 N
69268856 2343626942359490 5860562426776256512 N
68956353 2343627762359408 1691657003643961344 N
68956353 2343627762359408 1691657003643961344 N