Deprecated: The each() function is deprecated. This message will be suppressed on further calls in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/classes/core/class-vc-mapper.php on line 111 Faah faahin: Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho – War La Helaa Talo La Helaa Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Faah faahin: Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Al-Shabaab saakay ku soo qaadeen degmada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ku leetihiin duleedka magaalada Jowhar.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii saakay waaberigii hore ay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Millateriga ku leeyihiin deegaanka Keli Waraaboow oo qiyaastii 4KM dhanka galbeed uga beegan Magalada Jowhar,waxaana dad ku sugan Jowhar ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Maamulka degmada weli kama hadlin dagaalkaas saakay ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar,hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen Lix Askari.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay mudo kooban la wareegeen fariisinka Ciidanka dowladda,isla markaana ay ka qaateen saanad millateri,hayeeshee aysan jirin cid madax bannaan oo warkaasi xaqiijineysa.

Si kastaba weerarka saakay ka dhacay duleedka Magalada Jowhar ayaa kusoo aadaya xilli deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada Shabeellooyinka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply