Akhriso: Jubbaland oo Go’aano culus oo la xiriira doorashada soo saartay

Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa looga hadlay amniga magaalada Kismaayo,iyagoo guddiga isku raacay in laga bilaabo caawa la xiro Xuduudaha magaalada Kismaayo ee Cir,dhul iyo bad intaba.

Shir ay isugu yimaadeen guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu dhowaaqay in heegan la geliyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka kuwooda ka howl gala magaaladda Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Guddiga ayaa sidoo kale faray hay’adaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamuladda garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekadda Kismaayo iyo baraha kantarooladda laga soo galo magaaladda Kismaayo inay xaqiijiyaan meel maridda go’aankaan.

Arrintaan ayaa u muuqata mid looga hortagayo in faragelin ka timaado Dowladda Federaalka iyo saaxiibada kale ee Beesha caalamka ee aan la dhacsaneyn doorashada madaxtinimo ee lagu wado iney ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka:-

War Saxaafadeed 1 1
War Saxaafadeed 1 1