Xiisad ka taagan Dhuusamareeb & Wasiirka amniga oo gaaray

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Waxaa uu ka qeyb gali doono dadaallada la doonaayo in lagu xaliyo Ciidamo xalay ku dagaallamay Xarunta lagu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cidda Sugeysa Amnigeeda.

Waxaa uu sidoo kale qeyb gali doona Wasiirka Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo maalinta Berri ah ka furmi doona Magaalada Dhuusamareeb.

You might also like More from author

Leave A Reply