SAWIRRO: Ciidanka Nabad sugida Jubbaland oo fashiliyay Qarax Miino oo Al-Shabaab ay aaseen

0

Taliska Hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Bandhigay waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen in Al-shabaab ay ku aaseen goobo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka NISA Jubbaland ayaa Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ka soo saaray inta u dhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban,kuwaasi oo ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

Sidoo kale halka Miinooyinka laga soo saaray ayaa waxaa ah aaga degmada Jammaame Gobolka Jubadda Hoose,halkaas oo Saldhigyo ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka.

Ciidanka ammaanka Jubbaland gaar ahaan cutubka u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa una taagan mar walba ka hortaga weeraradav Al-Shabaab ayaa ka soo saaray Miinoyinkan goobo ay Al-Shabaab geliyeen oo ah inta udhaxeysa tuuloyinka Bangeeni iyo Koban Waa aaga degmadda Jammaame Gobolka Jubadda Hoose”ayuu lagu yiri War ka soo baxay Taliska NISA Jubbaland.

A 4
A 4
B 3
B 3
C
C
D
D
G
G

You might also like More from author

Leave A Reply