Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Madaxweyne Deni oo Amar dul-dhigay Golaha Wasiirada & Saraakiisha Ciidamada

0

Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Puntland ayaa shalay waxaa ay yeesheen kulankoodii caadiga ahaa ee Khamiislaha, iyada oo kulanka looga hadlay qodobo dhowr ah oo uu ugu weynaa sugida dhinaca Amniga ee deegaannada Puntland.

Kulanka inta uu socday ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray,Golaha Wasiirada, Saraakiisha Ciidamada, guddoomiyeyaasha Heer Gobol iyo Heer degmo in muhiimada koowaad la siiyo sugida Amniga.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka hadlay horumarinta farsamada gacanta,xaaladda dadka naafada ah iyo Waxbarashada,waxaana madaxweyne Deni uu bogaadiyay siday howsha hadda u socoto,isagoona kula dardaarmay iney sii dardar geliyaan.

Halkaan Hoose Ka Akhriso:-

Puntland
Puntland

You might also like More from author

Leave A Reply