Faah faahino laga helayo duqeyn Al-Shabaab lagula beegsaday Gobolka Sh/hoose

0

Diyaaradaha dagaalka Mareynkanka oo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn ka geystay Gobolka Shabeellaha hoose,halkaasi oo lagu duqeeyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada Mubaarak iyo Jannaale ee

Gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in duqeynta ka dhacday saldhiga Mubaarag lagu dilay 21 Saraakiil iyo Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kana tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in duqeyn labaad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee duleedka Magaalada Marka,isla markaana lala eegtay xumno ka tirsan Al-Shabaab khasaarana lagu garsiiyay.

Al-Shabaab weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo ku aadan in duqeyn lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply