Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Sh/Hoose

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa wali sii wada howlgalka maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa Argagaxisada illaa haatan kala wareegay meelo badan oo ay dadka ku dhibaateyn jireen iyagoona sidoo dilay Maleeshiyaad badan halka kuwo kala dhaawaceen.

General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Ciidanku Howlgalkooda Kooxda Al Shabaab sii socon doono tan iyo inta laga sifeynayo Maleeshiyaadka Al Shabaab.

“Waxaan tageynaa insha allah meelo badan oo Kooxda Al Shabaab ku sugan yihiin,waxayna ciidamada qalabka sida diyaar u yihiin iney kooxda ka sifeeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Sh/Hoose,waxaana jira qorshe ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab” ayuu yiri Taliye Odawaa.

You might also like More from author

Leave A Reply