DHAGEYSO: Wasiir Cawad oo faah faahin ka bixiyay kulankii ay Sacuudiga kula qaateen Muuse Biixi Cabdi

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka warbixiyay kulan ay habeen ka hor dalka Sacuudiga gaar ahaan xajka ay kula qaateen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa.

Wsiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay isku dhex arkeen Masjid,isla markaana isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda ay halkaasi ku arkeen Madaxweyanaha Soomaaliland salaana ugu tagen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulankaasi ay isku muujiyeen inay ahaayeen dad walaalo ah oo isku hiloobay,hayeeshee kulankaasi uusan aheyn mid siyaasadeed oo gaar ahmhayeshee kaliya halkaasi u tageen arrimo la xiriira xakja

Kulankii Magalada Mina ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaliland & Wasiiro ay ka mid ahaayeen, Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday mid saacadihii la soo dhafay aad looga hadak haayay Baraha Bulshada.

You might also like More from author

Leave A Reply