DEG DEG: Qarax ismiidaamin oo goordhow ka dhacay degmada Awdheegle & Rasaas socota

0

War goordhow naga soo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in goordhow degmada Awdheegle ee gobolkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxaan ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmada Awdheegle oo maalmo ka hor laga saaray Alshabaab waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen jug culus.

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in ay socoto rasaas aan kala go’laheyn oo ka dhaceysa saldhig ciidamada dowladda oo ku yaalla gudaha degmada Awdheegle eegobolka Sh/hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply