Masuuliyiin Ka Tirsan Dowladda Dhexe Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Kulmay Sucuudiga

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku kulmeen dalka Sucuudi Carabiya waxaana ay ka mid yihiin xujeyda Sanadkaan gudanaya acmaasha Xajka.

Wasiirada la kulmay Madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawod Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaaleh Beyle Wasiir dowlaha xafiidka Ra’iisul-wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

Muuqaalada Sawirada mas’uuliyiinta ayaa si aad ah looga hadal hayaa Baraha Bulshada oo Shacabka ay isla dhexmarayaan,waxaana la iska weydiinayaa su’aalo kala duwan oo aad u badan.

Somaliland oo ku dhawaad 2-sano raadineysa ictiraaf ayaa u aragta la kulmida mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka mid ka hor imaaneysa go’aankooda gooni isku taaga ah.

You might also like More from author

Leave A Reply