DHAGEYSO: DF oo looga digay iney ka hortimaado shirka Beesha Habargidir ee Hobyo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga digay in ay ka hortimaddo shirkii dhawaan kusoo idlaadey Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka Gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkii kusoo dhamaaday hobyo uusan aheyn mid lagu duminayay dowladnimadda Soomaaliya balse uu ahaa mid odayaasha Gobolka ku tashanayeen.

Waxa uu sheegay in Soomaalida haatan dhexdooda ay dagaalshan yihiin,sidaasna uu shirka ku dhacay.

Ugu dambeyntii nabadoon Aloore ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay la yimaadaan siyaasadda dagan iyo dhaqan, oo dalka iyo dadkaba lagu maamuli karo.

You might also like More from author

Leave A Reply