Faah faahino laga helayo Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso & Khasaaraha ka dhashay

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Khasaaro geystay,kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada oo dhan .

Sida ay dad goob joogaal ah inoo sheegay in Qarax uu ahaa nuuca dhulka lagu aaso,islamarkaana lala eegtay Gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay wadada hormarta Hoteelka Boosaas.

Ilaa laba askari oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Badda Puntland ayaa qaraxaasi ku dhaawacmay,kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka weyn ee Magalada Boosaaso.

Warark ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ay gaareen halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kazoo bixin.

You might also like More from author

Leave A Reply