Dad lagu laayay deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Ceel-Afweyn,halkaasi oo dada shacab ah lagu dilay.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dad shacab ahaa oo ku sugnaa goob kaalin Shidaal ah oo ku taalla Ceel-Afweyn ay rasaas xoogan ku fureen,taasi oo sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarka,halka tirro kalena ay ku dhawaacmeen,kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Gobolka.

Arrintaan Maanta ka dhacday Ceel-Afweyne ee  lagu dilay dadka shacabka ahaa ayaa waxaa loo mareynayaa inay tahay mid aanooyin Qabiil,iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan  halkaas ay ku dagaalameen labo Maleeshiyo beeleed.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan laga helayo Degmada Ceel-Afweyne ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in degmadaas ay ka jiro xiisad dagaal,taasi oo sababtay falkii Maanta ka dhacay deegaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply