Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

XOG: Axmed Madoobe oo bedelay Liiska Xildhibaanada ay soo xuleen Odayaasha Jubbaland

0

Wararka aan ka heleyo arrimaha la xiriira doorashada Madaxtinimada Jubbaland ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu bedelay Liiska Xildhibaanada ay soo gudbiyeen Odayaasha soo xalaya Baarlamaanka Jubbaland.

Illo xog ogaal ah oo la socda arrimaha haatan taagan ee Maamulka kuna dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Jubbaland ahna musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha soo socda ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ku qanci waayay liiska Xildhibaanada cusub ee ay soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland,islamarkaana uu ka dhex arkay dad siyaasadiisa ka soo horjeeda hadhowna cod siin doonin.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in arrintaasi ay sababtay in dib u dhac uu ku yimaado in Odayaasha ay soo bandhigaan xildhibaanadii ay soo xuleen si loo dardar geliyo inta kale ee ka harsan doorashada.

shalay oo taariikhda ku beegneyd 6-bisha Agoosto ayaa balantu ahayd in Odayaasha soo gudbiyaan Liiska Xildhibaanada ay soo xuleen,waxaana arrintaasi u cuntami weysay Axmed Madoobe oo la wareegay warqada ay ku qoran yihiin magacyada Xildhibaanada diidayna in la soo bandhigo.

Musharaxiinta Isbedelka doonka Jubbaland ayaa dalbaday in laga bedelo Guddiga doorashada oo ay ku eedeeyeen ineysan daacad ka ahayn doorashada,islamarkaana u janjeeraan dhanka Axmed Madoobe.

Beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cadaadis ku saareysa Axmed Madoobe inuu faragelinta ka daayo guddiga doorashada keliyana uu ku ekaado musharaxnimadiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply