Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DHAGEYSO: Jubbaland oo u digtay Odayaashii soo xulay Xildhibaanada ee u tegay Al-Shabaab

0

Maamulka Jubbaland ayaa war cad ka soo saaray Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee u hoggaansamay amarkii Al-Shabaab,islamarkaana u digay.

La-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaadayaan Odayaashaas, isagoo xusay in Odayaashii u tagay Al-Shabaab ay iyagana la mid yihiin.

Sidoo kale waxaa uu uga digay Odayaasha ku nool deegaannada Jubbaland inay qaataan Amarada Al-Shabaab, cidii qaadatana aysan ku soo laaban karin deegaanadooda.

Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha ay la kulmi doonaan ciqaab ay kamid yihiin ganaax iyo xabsi mudo Lix bilood ah.

In kabadan 150 Oday dhaqameed oo katirsan Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay iska diiwaan geliyay Xarumaha Al-shabaab ee ku yaalla gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply