XOG: Mahad Alle oo lagu helay cadeymo la xiriira Qaraxii lagu dilay Guddoomiye Yariisow

0

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere), ayaa dardar geliyay shaqada gobolka Banaadir ka dib geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Alle ha u naxariistee C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow).

Dadka siyaasadda Odorosa ayaa sheegay in Mudane Ibraahim Mahad Alle uu ku qanacsan yahay dalacsiinta iyo jagada ku soo korodhay ee ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir,islamarkaana uusan u muuqan mid ka murugsan geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiye Yariisow oo Axadii lagu aasay magaalada Muqdisho.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa inta ay muuqato saanta geerida guddoomiyihii Gobolka Banaadir uu  dhowr shaqo si qanacsanaan ku jirto uu ku qabtay,islamarkaana muujin sida uu ugu xun yahay geerida guddoomiyaha.

Waxaa goor hore soo baxay tuhun ah in qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada wax ku og yihiin shirqoolka lagu dilay Alle ha u naxariistee guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle uu doonayo inuu dhammeysto mudo xileedka ka dhiman kursigan,islamarkaana uusan dooneyn in guddoomiye cusub la soo magacaabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Waxgaradka beelaha qaar cadaadis ku aadan magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir kala kulmaya.

You might also like More from author

Leave A Reply