Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Xukun ku riday nin u dhashay Ingiriiska oo loo haysto qalqal gelinta Amni.

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa maata markale u fariisatay dhagaysiga Dacwad Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde).

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo billowday dhageysiga dacwad ka dhan ah muwaadin u dhashay Dalka Ingiriiska oo loo haysto qalqal gelinta amniga Garoonka Aadan Cadde.

Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000 waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka sida ay sheegtay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Andrew Braian Irlam ,oo u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa loo haystaa in uu Agab Ciidan ka dhoofin rabay Gegida Diyaaradaha ayaa maanta lasoo taagay Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Maxkamaddu xukun ku riday.

Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa horay u soo bandhigay 7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin oo ay 6-dii Bishan ku heleen eedeysanaha, xilli uu u safrayay Dalka Imaaraadka Carabta.

You might also like More from author

Leave A Reply