Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

Abdalla Abdalla” Isbadal ku Yimid Hab Fikirka Alshabab?

0

Isbedel weyn ayaa la sheegayaa inuu ku yimid hab  fikirka Ururka Al-Shabaab ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan markii hore Al-Shabaab fikirkooda wuxuu ku saleysnaa in loo arko Dowladda wax

aan laga mid noqon karin.

Balse Al-Shabaab waxay isbedel ku sameeyeen hab fikirkoodii hore waxayna ogolaadeen in laga mid noqon kari goleyaasha Dowladda iyo Ciidanka,iyadoo la is qarinayo.

Generaal Abdalla Abdalla oo horay uga soo mid noqday Mas’uuliyiinta Hay’adda NISA oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebooka ayaa sheegay iney Al-Shabaab raadiyeen wadiiqo kale oo lagula dagaalami karo Dowladda,islamarkaana ku milmeen Golayaasha Dowladda iyo Ciidanka.

Wuxuuna cabsi xooggan ka muujiyay in 2020-ka Xildhibaanada inta badan laga soo amro duurka oo uu kala jeedo in shaqsiyaadka ka mid noqonaya Dowladda Al-Shabaab u ishaaraan Odayaasha soo xulaya.

 Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Abdalla Abdalla:-

Caqiidada iyo Fikirka Alshabab Wuxuu ku salaysnaa In loo arko dowladda wax aan laga mid noqon karin, Lkn Hada waxaa jira isbadal ah in labaneeyay In laga mid noqon karo Golayaasha dowladda iyo ciidanka, iyadoo la isqarinayo.

Waxaa loo yeeray odayaashii Dhaqanka ee Soo xulay xildh heer Federalka iyo mamul goboled waxaana loo sheegay In tobad keen kadib Wixii la faro ay qaataan!!!

Nin ka mid ahaa odayada oo hoos u waraystay Xubin sare oo Alshabab ah , Wuxuu weydiiyay maxaa nala Faridoonaa?, Wuxuu ugu Jwbay qofkii aan idiin Ishaarno unbaa qoraysaan..

Cabsida Muuqataa Waa In xildhibaanada 2020 ay intoodabadan laga soo sharaxo lagana soo Amro Duurka! ..

Waa arin khatarteeda leh In Alshabab ay Shaatiga badashaan, oo la arko wasiir iyo Xildh ismiidaamin ku qoran!!

You might also like More from author

Leave A Reply