SAWIRRO: Waxgaradka Koofurta Gaalkacyo oo shuruud cusub ku xiray ka qayb galka Shirka Dhuusamareeb

Odoyaasha iyo waxgaradka Koofurta Gaalkacyo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hobyo ayaa waxa ay ka hadleen shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo loo madlan yahay in lagu qabto dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed iyo odayaal kale oo ka tirsan wax garadka Gobolka Mudug oo weriyaasha kula hadlay Magalada Hobyo ayaa sheegay in ilaa uu ka dhamanayo shirka nabadda Hobyo aysan ka qeyb galeynin shirka Dib u heshiinta ee deeganada Galmudug oo lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb.

Odoyaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay haatan ku mashquulsanyihiin Shir uga Socda Magaaladda Hobyo ayna sugayaan inta uu ka soo dhamaanayo sida ay hadalka u dhigeen.

Gudiga Qaban qaabadda Shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo Xalay Dhuusamareeb dib ugu soo laabtay ka dib safar ay mareen deegaanadda Balanbal,Caaduwaaq,Xeraale,Huurshe,Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa ugu qaabay Waxgaradka deegaanadda Galmudug in ay tabashada ay qabaan ay ku xaliyaan shirka dib u heshiinta oo ka furmaya Dhuusamareeb 5 bisha soo socota.