Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in fal aad u xun sameeyay

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Beled Weyne waxa ay ku dishay nin lagu eedeeyay in uu ku kacay falka qowmu luud oo kale.

Maxkamada Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku riday kuna fulisay Maxamed Aadan Nuuroow oo Maxkamada ku eedeesay in uu faraxumeeyay sadex caruur ah sidoo kale ku kacay falka Qowmu luud ah.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa fagaaraha xukunka lagu fulinayay ka sheegay in ninkan maxkamadda ka hor qirtay in isagoo caafimaad qaba uu fal liwaad ah ku sameeyay carruur yar yar.

Al Shabaab ayaa marar kala duwan xukuno dil ah ku fulisay rag lagu eedeeyay fal qowmu luud ah, kuwa kufsi geestay iyo dad kale ay Al Shabaab ku eedeeyeen dambiyo kala duwan.