Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

SUMADAHA QORAALKA W/Q: Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal)

0

SUMADAHA QORAALKA


Carra edeg ama ifkan aynu ku dul noolnahay ee Eebbe nagu abuuray, wax walba ee kor saaran waxa ay leeyihiin summad iyo sawrac u gaar ah oo lagu aqoonsado, sumaddu waa hab iyo si lagu kala saaro, walxaha aan la kala aqoonsan karin ee isu eg. Soomaalidu weligeed iyo waageedba waxa ay ahaayeen kuwa kala suntada wax kasta oo ku saabsan aayaha noloshooda, sida:- dhulka, xoolaha IWM. Dhulka waxa ay ku kala sunta jireen: “jir-jir ama jabad, dhanka kalena mitir ama mooro la kala ooto”.

Sumaddu waxa ay ka dhigan tahay, in aan walxaha is leh aaney isku darsamoomin oo aan la kala gara waayin. Tusaale: xoolaha, gaar ahaan geelu, marka uu ka hayaamo, dhulkii daaqsinka u ahaa ee lagu ilaalin jiray oo ay tagaan dhul aysan joogin cidda iska leh tolkeeda. Qofkii arkaahu waxa uu leeyahay: waa xoolihii reer hebel, ama jufa hebel. 

Wax kale ma keenin ee sumadda ku taalla ayaa ah, mid u gaar ah, beeshaas oo aaney la wadaagin beelaha kale ee ood-wadaagta la ah. Sidaa aawgeed sumaddu soomaalida dhexdeeda arrin aad looga yaqaan ayey ka tahay, mana ahan wax  dhimaal ah oo bulshooyinka kale ee carra edeg ayaa la wadaaga, haba lagu kala qaab duwanaado sida loo suntanayo e. Soomaalidu xoolaha waxa ay ku sunti jireen MADDANE debka la geliyay, markii ay birtaas debka lagu babbiyay ay casaan noqoto, ayaa meel neefka jirkiisa ka mid ah, waxa looga dhigayaa sumaddii tolku lahaa, neefkaasna inta uu ka dhinto sumaddaas madanaha debka leh lagula dhigay waa ay ku aalleysaa. 

Madanaha ayaa kala duwan oo mid waliba u samaysan yahay qaabka iyo summada loogu talo galay,  sida: Bil, Shumiyo, Far, Goobo, Laanqeyr ama isku talaab, Shiidad,  Miim, Hangool Deel, Tunjiid, Idamo, Hilfaaq iwm. Madanayaasha summada gaarka u samaysan leh hore ayaa loogu sii tumaa birta qaabkaas, kuwa kalena waa lagu jiidaa.

      Halka bulshooyinka carra-edeg qaarkood ay xoolaha  tirooyin iyo magac u gaar ah ku suntadaan, si kastaba ha ahaatee waa in cid waliba astaameysato xoolaheeda. Haddaba sumadda waxa aan u qeybinayaa laba si ku waas oo kala ah; “magac iyo astaan.”

MAGAC

Magacu, ma ahan mid u baahan in aan is dultaago, balse, waxa aan shin u tuusaaleeyay, in aan dhan walba ka joogasanno, sumadaha aan ku baraneyno xeeraan, sumadaha qoraalka, sidaa darteed, magacu waa sida:- Cigalle magac qofeed. Waraabe magac dugaag . Muqdisho magac magaalo, Soomaaliya magac daleed. Soomaali magac bulsheed. Qur’aan magac diineed/kutub. Afrika magac qaaradeed. Carra-edeg magac wadareed IWM. Haddaba magacu waxa uu ka mid yahay, sumadaha la isku aqoonsado, intaas aan tusaalaha usoo qaatay iyo in kaloo badan oo aan ka tegay ayaana ka mid ah sumadda la garan garo, marka ay magaca joogto. 

Taas waxa caddeyn u ah, marka laguugu yeero, magac aadan lahayn in aad isla jeerkaas, soo jeesato ee hoow! hee! Ama haah! tiraahdo, waa wax aan suurta gal ahayn, maxaa yeelay isuma taqaannid magacaas, laguugu wacay. Sidaa darteed, magacu waxa uu ka mid yahay sumadaha la isku aqoonsado, hadda garo walxaha ama jiraalka carra edeg oo dhan ayaa ku sii kala duwan magacyada oo hal walax ayaa leh kun magac oo dhawr af kala ah.

ASTAAN

Astaantu waa sumadda dhabta ah ee guud ahaan ay ka midaysan yihiin nafleyda iyo kuwa aan nafta lahaynba. astaantu mar waa fal jiraal ah oo Eebbe ayaa la gaar ah. Marna waa fal  uunku sameeyo, si looga badbaado ekaansho iyo in laysku kaho walxo isu muuqaal iyo medab eg. Astaantu waa fal u gaar ah cidda sameysatay kuna astaysan bar garasho iyo sawrac ah in laga aqoonsado walxaha firkoodu is leeyahay oo dad kala duwan ka dhaxeeya. Falka Jiraalka ah la socda waxa ka mid ah; qof faruuran ama mid fanax leh, waa sumad iyo sawrac eebbe abuurey . Dhulku waxa uu leeyahay; sumado/astaamo lagu aqoonsado, sida; carra-cad, carro-madow, carro-gaduud, buuro dhaadheer, buuro gaagaaban, meel hawd ah, meel geed gaab ah, dhul bannaan, deex, xaaxi iyo meel dhagaxley ah. dhammaan sumadahaas ama astaamahaasu waa fal jiraal ah oo iskood u  taagan oo Eebbe abuuray. Haddii falkaas jiraalka ah, laga yimaado, sumadaha aadanuhu sameeyo, waa kuwa la garan karo, dhammaantoodna ka siman bar garasho looga soocayo inta kale. Tusaale: calannadu waa sumad qarameed. Lacagtu waa sumad dowladeed. Baabuurtu waa sumad shirkadeed, IWM.

Haddii aad ogaatay in wax kastaahi ay leeyihiin sumad, astaan iyo magac u gaar ah, sidaas si la mid ah ayaa uu qoraalkuna u leeyahay sumado bilciya, tiirar adagna ku dhisan oo kala xadeeya qoraalka, si uusan isugu dhex milqin ama uunan isugu dhex yaacin. Qoraalka sumadihiisu waa astaamo tira badan oo aaney ku jirin, mid tan kale u eg, ama isku howl ay qabtaan. Sumadahaas, mid walba hawl u gooni ah ayey qabataa, xeer u gaar ahna waa ay leedahay iyo  meel ay gasho oo ku habboon. Sumaduhu, waxa ay bilaan oo ay haddana bilciyaan hab qoraalka, waana xeerar adag oo hadalka kala xadeeya, sidaas oo kale, sumadahaas qaar ka mid ah, ayaa naftaada  tallan ku abuuri kara, tus: haddii qof kuu soo qoro astaanta wayddiinta oo qura, naftaadu waxa ay ka baaraandegaysaa, wayddiin ah maxaa si’ ka ah qofkaan?”

     ?

Summad amakaag

Halkaas waxa nooga cad, in sumadahaan qoraal bilaha ah ay yihiin, kuwa xeerar adag leh, in la bartaana ay lagama maarmaan tahay. Aan kula wadaago dhacdo oo ay sababtey, astaanka (.) JOOGSIGU

Joogsi halkudheg la hor-dhigay

Nin aan jaal nahay ayaa waxa uu dalka Iswiidhan, wax ka baranayey, muddo lix gu’ ah. Goortii uu doonayey in uu dugsiga sare ka qabyotirto, ayaa waxa loo diray in uu maqaal dheer soo qoro, maqaalkaas oo ah mid uu nabdigiisa/niyaddiisa ka allifay oo aanu cid kale ka qalin daaran, go’aanka doorashadiisana asiga ayaa loo daayay, waxana lagu yiri: mowduucii aad doonto, wax ka soo qor, balse, waa in aad adigu lahaataa abuurkiisa. Intaas ka dib wiilkii waxa uu qalinka u qaatay in uu soo diyaariyo, maqaalkii lagu jarribayey, laguna ogaanayey, heerka aqoontiisa curineed ama qoraaleed. Waxa uu soo qoray, (10-bog) oo A4 ah, intaas dabadeedna waxa uu la gole yimid maalintii loo ballansanaa  dhambaal marageed (shahaadda) siinta iyo guushii bilkaydka(Imtixaanka).

Guddigii ku hawsha  lahaa ayaa loo dhiibay, qoraalkii uu keenay, waana ay aqriyeen. Qoraalkii uu soo diyaariyay, waxa uu noqday mid loo riyaaqay farshaxankiisa tebineed, balse, waxa uu ku dhacay: magac bixintii maqaalkaas (halkudhega) ayaa waxa uu hordhigay sumadda joogsiga, (.). tusaale;  halkudhegigiisa  ayuu ka dhigay sidaan:-  SUMADAHA QORAALKA. Balse, waxa laga doonayey inuusan magac-bixinta/cinwaanka hor-dhigin ama uu ka reebo sumadda (.) joogsiga.

Halkaas joogsi ayaa uu ku waayay guushii uu qoraalkaas curiska ah, ku qaadan lahaa, sidoo kalena shahaadda aqoon-tiisa lagu guddoon-siin lahaa. Haddaba guud ahaan qoraalka afkeenna iyo kuwa dadyowga carra-edeg-ba, waxa ka reebban in magac bixinta ama halkudhega  (titel-ka), ay raacdo astaanta joogsigu.

Ujeedku waxa uu yahay in aan ogaanno in sida loogu baahan yahay, tooxidda shibbana iyo ebyidda shaqalka oo kale loogu baahan yahay hagaajinta sumadaha. “Astaamaha qoraalka.” Haddaba, haddii boos ay leedahay sumadda joogsiga (.) aad geliso sumadda amankaagga (!)  halkaas waxa ku qiima beelay, qoraalkaagii farshaxanka lahaa ee dhedhenkiisu sarreeyay. Astaan/summad-walba goonideeda ayaan u falanqeyn doona, qodobka iyo xeerka laga maarmaanka u ahna waan tilmaami doona e, aan mugga hore hortaada soo dhigo, sumadaha bila qoraalka ee lagama maarmaanka u ah.

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

GURIGA XARIIRKA

cuute23@hotmail.com, shiribmaal@gmail.com

You might also like More from author

Leave A Reply