Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/6/c/2/shaaciye.org/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 316

DHAGEYSO: Dagaal xoogan oo dhexmaray Al-Shabaab & Kooxda Macaawiisleey

0

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka luuq-jeelow ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen rag ka tirsan kooxda la Magac baxday Macaawiisleey iyo Ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah horjoogayaasha Macawiisleyda ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalka ay iyaga ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka luuq-jeelow ee Gobolka Hiiraan,kadib cabasho uga timid Shacabka iyo Gaadiidleyda ka timaada dhinaca Gobolada Dhexe.

Mid ka mid ah horjoogayaasha Macaawiisleyda ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyooday Saddex Ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,waxana uu sheegay in Shabaab lacago dheeri ah oo gaaray $100 (Boqol  Dollar) ay kusoo rogeen gaadiidka taas oo keentay inay weerar qaadaan.

Si kastaba warkaan kasoo baxay horjoogayaasha Kooxda  Macawiisleyda ee ku aadan inay weerareen Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab dhankooda weli ka hadlin.

You might also like More from author

Leave A Reply