SAWIRRO: Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo isugu yeeray Hay’adaha Samafalka

0

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa Maanta Xafiiskiisa waxaa uu kula kulmay Hay’daha ka howlgalla deegaanada Gobolkaasi Hiiraan.

Kulanka ayaa ahaa mid ay isku baranayeen guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan & Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgalla Gobolka  iyo sida ay u wada Shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraalle ayaa sheegay in Hay’adaha uu kala sidii ay u caawin lahaayeen dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa ka barakacay dagaal beeleedyadii ka dhacay degmada Matabaan.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalak ay adeegyo wanaagsan u hayaan Shacabka gobolka Hiiraan,isla markaana ka maamul ahaan ay la Shaqeyn doonaan.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’adaha uu la kulmay ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay si huufan ugu adeegi doonaan Shacabka ku dhaqan deegaanada Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

1 103
1 103
2 96
2 96
4 81
4 81

You might also like More from author

Leave A Reply